Buuhooled(Pp) Guuleed Aadan Maxamed ayaa dhowaan magalada Buuhoodle ee xarunta Gobalka Cayn kusoo bandhigay farsamooyin iyo gaadiid caagado laga sameeyay kuwaasoo uu mudo ku howlanaa.
Guuleed waa 13-jir agoon wuxuuna la nool yahay hooyadiisa, wuxuuna isagoo da’daasi jira ku fikirey inuu la yihaado hinddise cusub oo ah inuu gacantiisa ku sameeyo gaadiid yar yar oo soconaya.
Heersare Maxamuud oo ka mida h wariyaasha Hargaysa ayaa war bixin ka diyaarshey hinddisaha cusub ee Guuleed Aadan Maxamed la yimi iyo sidii ugu dhiiran yahay inuu wax soo saar sameeyo, waraysiga Guuleed laga qaaday ayaa ka waramaya sababta kaliftay inuu gaadiidkan sameeyo kuwaasoo qaarkood ay dhalinyaradu ka iib-sadaan.
Maxamuud Cabdi Nuur oo ka mid ah dadka ku nool magalada Buuhoodle ayaa sheegay inay muhiim tahay in Guuleed Aadan la dhiiri-galiyo isla markasna laga war qabo maadama uu kasoo jeedao qoys danyar ah.
Waa markii ugu horaysay da’yar intaa leeg uu sameeyo gaadiid soconaya oo caagado laga sameeyay sidoo kale wuxuu isku dayay inuu hir galiyo diyaarad nooca carruurtu ku ciyaaraan.
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com