Bosaso (Puntland Post) — Wejiga labaad dhismaha gegida diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa la soo gabagabeeyay, iyadoo lagu wado todobaadyo ka dib in loo sameeyo xaflad lagu daah-furayo.
Wariyaha Cali Cabdi Ducaale oo maanta garoonka diyaaradaha booqday ayaa muuqaalkaan ka soo diyaariyey, isaga oo dhanka kale waraysi la yeeshay maareeyaha garoonka Bashiir Muuse Cabdiraxmaan oo sheegay in wejiga koowaad soo dhammaaday, wixii hadda ka danbeeyana loo gudbi doono tabaabusha wejiga labaad.

Shaqaalaha shirkadda garoonka Boosaaso dhistay ee China Civil Engineering and Construction Company (CCECC) ayaa muddo bil ah fasax ugu maqnaan doona Shiinaha, waxaana lagu wadaa, soo laabashadooda kaddib, in la qorsheeyo dhismaha wejiga labaad ee garoonka.