Kismaayo(PP):Madaxweynaha Maamulka jubbaland ayaa dib ugu soo laabtay magaaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, kadib markii uu kasoo qayb galay shirkii looga hadlayey doorashada Soomaaliya oo fashil ku dhamaaday.
Axmed Madoobe ayaa markii uu yimi Kismaayo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Muqdisho u tageen sidii dalka ay doorashada xor ah uga dhici lahayd, wuxuuna tilmaamay in shacabka reer Jubbaland ay la socdeen halka ay waxmarayeen.
Waxaa uu sheegay Madoobe inuu shacabka reer jubbaland la qaadan doono kulamo, kuwaas oo looga hadlayo doorashada iyo fikirkay isla qaadan lahaayeen reer Jubbaland.
Shalay Kismaayo waxaa kulan isugu yimi Odayaasha dhaqan reer Jubbaland, waxayna kulankaas uga soo horjeedeen nidaamka 4.5ka.
Puntlandpost.com.