Garowe(PP): Qaar kamid ah shacabka ku nool Magaalada Garowe ayaa maanta ka banaan baxay waxa soomaalidu u taqaan 4.5ka, oo maalmahan lagu muransanaa habka loo qabanayo doorashada Soomaaliya sanadka soo socda.
Banaanbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayey erayo ay ka mid ahaayeen dooni mayno 4.5, heeryada gumaysiga dooni mayno oo ay ula jeedeen 4.5ka, waxayna sheegeen in dadka Puntland ay san doonayn in doorashada lagu saleeyo 4.5.
Qaar kamid ah banaanbaxayaasha ayaa sheegay in Xasan Shiikh uu doonayo inaysan dalka doorasho ka dhicin, u jeedadiisuna tahay in xiliga loo kordhiyo sidaa darteedna uu doonayo inu dadka isku diro.
Waxay xuseen in Puntland mudo 17sano ah doonaysay midnimo Soomaaliyeed,balse lala garan waayey mar walbana aysan ku jiri karin is qab qabsi, iyagoo sheegay in dowladda Fadaraalku waxay maleegayso aysan qaadanayn.
Madaxda Puntland ee shirka ka qayb gashay ayey ugu baaqeeen inay si deg deg ah usoo laabtaan,wax talaabo ahna aysan qaadin, iyagoo aan la tashan dadkay matalayaan.
Waa mudaharaadkii labaad oo ka dhaca Puntland, islamarkaana looga soo horjeedo 4.5ka,mudaharaadkii kan ka horeeyey ayaa ka dhacay Gaalkacyo, magaalada Kismaayana Odayaasha dhaqanka ayaa ka horyimi nidmaaka 4.5ka.
Halkan ka Dhagayso Codka.
Puntlandpost.com.
Xasan Baashe.