Wafti ka socda dowladda fadaraalka oo gaaray Kismaayo

Kismaayo(PP):Wafti ka socda Wasaaradda dhalinyarada iyo Cayaaraha dowladda Fadaraalka ayaa shalay lagus soo dhaweeyey magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.

Waxaa Waftiga hogaaminayey wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo Cayaaraha,garoonka diyaarada magaalada Kismaayo waxaa ku soo dhaweeyay Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha bulshada Jubbaland, Gudoomiyaha Xiriirka kubada cagta Jubbaland iyo xubno kale.

Cusmaan Aadan Dhuuboow Wasiirku xigeenka Dhalinyarada iyo Cayaaraha dowladda Fadaraalka ayaa sheegay in safarkooda Kismaayo uu salka ku hayo sidii ay ugaan lahaayeen baahiyaha Cayaaraha ee Jubbaland,isagoo intaa ku daray inay hormarin doonaan dhalinyarada Cayaaraha Jubbaland.

Wasiir ku xigeenka arrimaha Bulshada Jubbaland Maxamed Calin Ibraahim ayaa dhankiisa isna sheegay in Waftigu ay Kismaayo u yimaadeen sidii ay gacan uga siin lahaayeen Jubbaland hormarinta iyo xirfadaha dhanka Cayaaraha ah.

Safark Wasiirka ayaa kusoo aaday xili uu dhawaan Kismaayo Yimi gudoomiyaha Xiriirka kubabada Cagta Soomaaliya,isagoo kulan la bahda Cayaraaha ee Jubbaland waxayna kala saxiixdeen afar qodob oo uu ku jiray in Jubbaland laga taageeri doono tababarada, qalabka iyo hormarinta Cayaaraha.

Puntlandpost.com.