Baladweyne(PP):Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa katashanaya halka lagu qabanayo shirka maamul usamaynta labada gobol oo dowladdu rabto in maamul loo dhiso.
Madaxa arimaha bulshada ee gobolka Hiiraan Shiikh Xuseen Cusmaan Cali ayaa sheegay in masuuliyiinta labada gobol ay katashan doonan halka lagu qabanayo shirka maamulka loogu samaynayo labada gobolka.
Waxaa uu tilmaamay in wada hadalo ay hada socdaan looga arinsanayo halka lagu qabanayo shirka, islamarkaana dhawaan la filayo in go’aan ay islagartaan labada gobol.
“Labada maamul ayaa ka tashan doona, walaalaheena reer Shabeellaha Dhexe waa isu imaaneynaa, ka maamul ahaan ayaana arrintan uga hadleynaa, xiriir fiican leenahay, shirarkii Muqdisho ayaa isku baranay maadaama horay loogu wareeray halka shirka lagu qabanayo, Labada maamul iska arkaya meeshii lagu qaban doona shirka ama Hiiraan iyo Sh/Dhexe”ayuu yiri Shiikh Xuseen.
Waxaa uu intaa ku daray inay shir isugu imaan doonan madaxda arimaha bulshada ee labada gobolka,shirkaas ayuu sheegay inay uga hadlayaan meesha shirka lagu qabanayo.
Shirka maamul usamaynta labada gobol ayaa lagu muran sanaa tan iyo markii dowladdu shaacisay inay dhisayo maamul ay leeyihiin Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxayna beelaha labada gobol isku khilaafeen qaybsiga guddiga farsamada iyo halka shirka lagu qabanayo.
Puntlandpost.com.