Shirka Maanta oo la filayo in laga saaro bisha Janaayo in Shir laysugu yimaado

Muqdisho(PP): Waxaa maanta loo balamay markale in shir laysugu yimaadoo si loosii amba qaado shirka looga hadlayey doorashada iyo qaabkay udhacayso.

Shalay ayuuna shirkuu baaqday kadib markii maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay ku adkaysteen go’aankoodii ahaa in doorashada lagu saleeyo hab deegaan,halka dowladda Fadaraalka Galmudug koonfur galbeed iyo gobolada shebeelaha dhexe iyo Hiraan ay isku raacsan yihiin nidaamka 4.5ka.

Shirar gaar gaar ah aya madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Fadaraalka usocday kuwaas oo kusaabsana in meel laysku raaco.

Waxaana lasoo bandhigay qodobo ay kamid ahaayeen.

In aqalka sare la dhiso kaas oo lagu soo xuley qaabka degmooyinka, halka aqalka hoose lagu soo xulayo nidaamka 4.5.

In degmooyinka la laga soo xulo midkiiba hal xildhibaan, oo gaaray 92 Xildhibaan halka inta kalena lagu soo xulo qaabka 4.5.

Waxaana maanta la filayaa inay shir isugu yimaadaan madaxda walow la sheegay inan go’aan rasmi ah laga soo saarayn shirkaasi oo waxay wararku sheegayaan in shir maanta laga soo saari dooni in shir laysugu yimaado bisha Janaayo.

Puntlandpost.com.