Sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu dilay Beledweyne

Beledweyne (PP) — Waxaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Fadaraalka Soomaaliya waxaa uuna hogaaminayey qaar ka mid ah ciidamadii saaka la keenay Beledweyne.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Muumin Cirba Dheere, waxaa na dilay, sida la sheegay, mid ka mid ah labada maleeshiyo ee ku dagaalamay magaalada, iyada oo wararku sheegayaan in la soo qabto ninkii dilay sarkaalka.

Beledweyne waxaa ka socda waanwaan iyo wada-hadallo ay wadaan wafti ka socda dowaldda Fadaraalka iyo odayaasha gobolka kuwaas oo dadaal ugu jira sidii loo dhamayn lahaa colaadda ka taagan Beledweyne.