RW.hore Somalia oo ka hadlay kala aragti duwanaanta doorashada 2016

farmaajo-660x400Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ka hadlay kala qayb sanaanta madaxda Soomaaliya u dhaxaysa ee ku aadan doorashada 2016, iyo sida ay muhiimka u tahay kala aragti duwanaanta in xal laga gaaro.

Waraysi uu siiyay Farmaajo Idaacadda Daljir ayuu sheegay inay muhiim tahay in dowrkooda la siiyo mamuladda dalka, Odayaasha dhaqanka iyo guddiga doorashada maadama madaxda mamulada dalka iyo DFS ku kala aragti duwan yihiin nidaamka lagu wajahayo doorashada dhici doonta, taasoo ilaa iyo hadda aan wax heshiis ah laga gaarin.

Dowladda dhexe ayuu ku eedeeyay inay ku fashilantay hir galita nidaamkii laga sugayay ee hal cod iyo hal qof ayna dareenka shacabka raali ka ahayn in lagu socod siiyo wixii aan lagu heshiin.

Hadalka Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farjaamo ayaa kusoo aadaya xilli aan wax go’aan ah ama ujeedo mid ah kasoo bixin shirarkii Muqdisho ku dhexmaray madaxda mamulada dalka, DF iyo beesha caalamka.

Hoos ka dhagayso waraysiga Farjaamo oo sidoo kale ka hadlaya colaadii Gaalkacyo iyo tan ka taagan Beledweyne iyo Shabeelada hoose.

Puntlandpost.com