Madaxda ku sugan Muqdisho oo weli isku mari la’ doorashada 2016

Shirka-Wadatashiga-QaranMuqdisho(pp) Madaxda mamulada dalka iyo DFS ayaa weli ku kala aragti duwan nidaamka loo wajahayo soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee 2016.

Tan iyo markii uu fashil ku dhamaaday shirkii labo maalin ka hor ka furmay xarunta Xalane, waxaa socday shirar gooni gooni ah kuwaasoo uu ka dhex muuqday Ergayga waqtigu kasii dhamaanayo QM ee Nichalos Kay kaasoo u kala dabqaadaya dhinacyada kala aragtida duwan.

Puntland iyo Jubbaland ayaa weli ku dhagan in Baarlamaanka cusub lagu saleeyo hab deegaan halka Koonfur Galbeed, Galmudug iyo gobalada kale ee shirka fadhiyayna ogol yihiin in 4.5 lagu saleeyo doorashada, taasoo keentay inaan ilaa iyo hada waxba lagu heshiin.

Falan-qeeyaasha siyaasada Soomaaliya ayaa tilmaamaya inuusan xalku ku jiray kala aragti duwanaashaha weli taagan ee loo baahan yahay in deg deg loogu heshiiyo nidaamka doorashada si howlaha qabyada ah loo dhamaystiro.

Baraha bulshada iyo goobaha dadku iskugu yimaadaan ayaa si weyn looga hadal hayaa doorashada dhici doonta sanadka danbe, iyo is-fahan waaga ka dhex aloosan madaxda Soomaalida, aragtida dadka ayaa ah tan ugu badan in doorashada lagu saleeyo hab deegaan.

Maanta oo Talaado ah Muqdisho waxaa ka socda shirar aan wax badan kasoo bixin, maadama dhinacyadii kala aragtida duwanaa mid walba meeshiisii uu ku dhagan yahay.

Nidaamka 4.5 ayaa ah mid ay dadku u arkaan inaysan muhiim ahayn in dib loogu laabto, waxayna badanaa soo jeediyeen in laga gudbo oo hab deegaan doorashada lagu galo, marka laga tago hadal hayntaasi waxaa socda xal u dhaxeeya labada nidaam ee mamulada ku kala dhagan yihiin kaasoo aan ilaa iyo hada la aqoon sida uu yahay.

Puntlandpost.com