Istanbul(PP): Tahriibayaal ay ku jireen Soomaali ayaa ku geertooday xeebaha galbeedka dalka Turkiga,ilaa lix Carruura ayaa geeryooday kadib markii ay dagtay dooni ay saarnaayeen,waxana lasoo bad baadiyey sideed Ruux oo kale.
Muhaajiriinta ayaa kasoo tagay qaaradaha Afrika iyo Asia waxayna Qaramada Midoobay ay tilmaamtay in 12 Ruux la layahay halka 26 ruux laga soo bad baadiyey meel ka baxsan xeebaha Turkiga.
11 Ruux oo Carruur ubadan ayey sheegeen Ciidamada ilaalada u ah xeebaha Greek ay bad baadiyeen,Ciidmada ilaalada dalka Turkiga ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan dadka la layahay.
Dalalka Pakistan, Morocco, Algeria iyo Soomaaliya ayey ka muhaajiriintu ka tageen kuwaas oo raadinayey nolol dhaanta mida ay ku noolaayeen waxayna inta badan muhaajiriintu ka tagaan Afrika oo inta badan ay hareeyeen dagaalo iyo Musuq maasuq.
Puntlandpost.com