Puntland oo ka hadashay baaqashada shirka Muqdisho iyo shirarka kale ee socda

Muqdisho(pp) Afhayeenka madaxtooyadda Puntland Cabdilaahi Axmed Jaamac (Quraan-jecel) ayaa sheegay inuu baaqday shirkii looga wada hadlayay aayaha doorashada Soomaaliya 2016, kaasoo u baaqday is-fahan la’aan ka taagan madaxda shiraysa.

Quraan-jecel ayaa sheegay inay socdaan shirar gaar gaar ah oo Puntland la yeelanayso beesha caalamka iyo Soomaalida kale, sidoo kale waxa uu sheegay inaysan karin ilaa go’aan la gaaro.

Puntland iyo Jubbaland ayaa isku aragti ka ah shirka Muqdisho, halka mamulada kale iyo dowladda Federaalku isla safan yihiin.

Ma muuqata ilaa iyo hada xal laga gaaray kala aragti duwanaanta mamulda u dhaxaysa, taasoo ku saabsan in xildhibaanada cusub lagu soo xulo hab deegaan iyo in lagu soo xulo nidaamka 4.5.


Puntlandpost.com