Muqdisho(PP): Xeer ilaaliyaha guud ee Qaran Axmed Cali Daahir oo la hadlay warbaahinta ayaa digniin udiray dadka dhista dhulalka ay leedahay dowladda isagoo sheegay in qofkii dhul dowladdu leedahay uu ku dhisto sharci daro lagula xisaabtami doono.
Axmed Cali Daahir ayaa xusay inay jiraan dad warqado been abuura usameeya dhulalka dowladda islamrkaana lacago ku bixiya si ay uhdistaan,isagoo sheegay dadkaas inuu farayo iany joojiyaan falkaas.
Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa xusay in wixii mar muwaadin sharcidaro gacantiisa ku galay mar uun laga bixinayo,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney muhiim tahay in dhulalka iyo Hantida kale Qaranka ee la boobayo la joojiyo si howsha Qaranka u noqoto mid hagaag ku socota.
Hadal xeer ilaaliyaha ayaa kusoo aaday iyagoo dhulal ay dowladdu leedahay daganyihiin dad shacab ah kuwaas oo sheegta inay iyagu leeyihiin,sidoo kale waxaa jitra guryo ay leeyihiin dad shacab ah oo ay dagan yihiin dadka kale iyaguna sheegta dhulalkaas.
Inta badan koonfurta Soomaaliya oo dadka badankii kasoo qaxeen dagaalkii sokeeye kadib waxaa laga dagay guryo iyo xarumo ganacsi mana jirto ilaa hada cid ka hadashay.
Puntlandpost.com
Xasan Baashe.