Shirka Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir gudoominayey Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa sidii caadiga ahayd waxaa looga hadlay xaaladda amniga guud ee dalka, xadgudubka maamulka Soomaaliland ee dhulka Puntland, siyaasadda daryeelka caruurta, khidmadaha badeecooyinka qudaarta, qorshaha Dawladda ee 2015-2016 iyo u diyaar garowga munaasibadda 8-da Janaayo ee 2016 .








