Garowe(pp) Munaasibad lagu soo af-meerayay 16-ka beri ee shaqaaqada haweenka isla markasna soo qaban qaabisey wasaradda Haweenka iyo horumarinta qoyska Puntland ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka Jaamacadda PSU Garowe.
Waxaa kasoo qayb galay madaxda wasaradda Haweenka, gudoomiyaha xafiiska xaquuqul aadanaha, saraakiil ka socda UN-
Women, UN-SOM, UNFPA iyo qaar ka mid ah ururadda maxaliga ah ee wasaradda la shaqeeya, sidoo kale waxaa lagu marti qaaday masuuliyiin kale oo uu ka mid ahaa gudoomiyaha naafada iyo haween.
Munaasibaddu inta ay socotay waxaa lagu soo bandhigay muuqaal kooban oo laga diyaariyay 16-ka beri ee shaqaaqada haweenka oo kulamo looga hadlayo lagu qabtey dhowr magaalo, sidoo kale koox jilayaal ah ayaa soo bandhigay riwaayad ka hadlaysay inaan haweenka la takoorin iyo qabiilada qaarkood.
Gudoomiyaha xafiiska xaquuqul aadanaha Puntland Maxamed Yuusuf Cali ayaa soo dhaweeyay dadaalada wasaradda haweenka wado ee ku aadan ka hortaga dhibaatooyinka iyo faquuqa haweenka loo geysto, waxa kale uu sheegay inuu ku garab istaagayo sidii arrimahaasi looga hortagi lahaa.
Wasiirka Haweenka Puntland Anisa Xaaji Muumin ayaa munaasibadda kasoo jeedisay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, khudbadaasi ayayna diirada ku saartay munaasibadaan iyo danta laga lee yahay, waxay kasoo qayb galayaasha ka cod-saday in loo mideebo dhibaato kasta oo soo food saarta haweenka iyo guud ahaan–ba qoyska, waxakale ay sheegtay in lagu midoobo illaahay dartiis oo meel la iska dhigo qabyaalada iyo eexda.
Aniso Xaaji Muumin ayaa sheegtay shaqaaqooyinka haweenka lasoo gud-boonaada inaysan ka hadalkooda ku koobnaan doonin munaasibadaan oo kaliya balse loo baahan yahay cid kasta inay masuul iska saarta sidii garab loogu noqon lahaa haweenka.
Saraakiil ka socday UNSOM.UN-WOMEN,UNFPA iyo NCA ayaa munaasibada xuska Olalaha 16-ka maalmood ee tacadiga ka dhanka haweenka ka hadlay, waxayna soo jeediyeen in la qaato fariimaha wacyi galinta ee wasaradda Haweenka kuwaasoo muujinaya inaan wax dhibaato ah loo geysan haweenka oo laga qayb galiyo fursadaha shaqo.
Ugu danbeyntii wasiirka haweenka iyo gudoomiyaha xafiiska xaquuqul aadanaha ayaa shihaadooyin iyo abaal-marino kale gudoon siiyay dad si gaar ah xafiiska xaquuql aadanaha iyo wasaradda haweenka ugu garteen inay yihiin dad mudan in la dhiirigaliyo, dadka la abaal-mariyay waxaa ka mid ah Cali Cabdi Ducale,Ibraahim Muuse Dahraan iyo Maxamed Daahir Caynsane kuwaasoo ku muteystay garab istaaga dadka danyarta ah iyo jecleysiinta dhalinyaradda tahriibaysa dhulkooda hooyo.




































































