Munaasabad looga hadlayey 16ka maalmood ee ka hortaga shaqooyinka Haweena oo lagub qabtay Dhahar

Dhahar(PP): Waxaa shalay lagu qabtay magaalada Dhahar ee xaruta gobolka Hayland munaasabad looga hadlayey 16ka Maalmood ee ka hortaga shaqaaqooyinka Haweenka. oo maalmahan kasocday meelo badan oo kamidn ah deegaanada Puntland.

Munaasabada waxaa ka qayb galay Masuuliyiin kasocday wasaaradda Haweenka,Maamulka degmada iyo Haweenka magaalada intay munaasabadu socdotay waxaa laga wada hadlay sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka loogaysto Haweenka.

Haweenka Magaalada ayaa codsaday in siwadajir loo soo afjaro tacadiyadaha kala duwan ee loogaysto waxayan Wasaaradda ugu baaqeen in wacyi galinta looga hortagayo shaqaaqooyinka la joogteeyo.

Masuuliyiinta ka socday wasaaradda ayaa u sheegay Odayaasha iyo dhalainyarada in la joojiyo dhibaatooyinka haweenka loogaysto islamarkaana ay noqdaan dumarku kuwa la qaybsada raga howlaha kale,iyagoo sheegay wasaaraddun ay da daal badan ku bixin doonto sidii loosoo afjari lahaa dhibaatooyinka Haweenka loo gaysto.

Sawirro

IMG-20151209-WA0008

IMG-20151209-WA0012

IMG-20151209-WA0013

IMG-20151209-WA0015

IMG-20151209-WA0016

IMG-20151209-WA0017

IMG-20151209-WA0019

IMG-20151209-WA0021

IMG-20151209-WA0023

IMG-20151209-WA0027

IMG-20151209-WA0030

IMG-20151209-WA0032

IMG-20151209-WA0033

IMG-20151209-WA0035

IMG-20151209-WA0037
Puntlandpost.com