Maalinta caalamiga ah e xuquuqul insaanka oo Garowe lagu xusey (Dhagayso)

Garowe(pp) Maalinta loo aqoon-sadey xaquuqul insaanka caalamiga ah ayaa maanta laga xusay magalo madaxda Puntland ee Garowe.

Munaasibaddan lagu xusayo maalintan ayaa la mataansanayd xuska Olalaha 16-ka bari ee tacadiga ka dhanka ah Haweenka oo lagu qabtay Jaamacadda PSU,waxaana soo qaban qaabisey xafiiska xaquuqul aadanaha oo la aasasey 21-kii bishii Noverber sanadkii hore.

Gudoomiyaha xafiiska xaquuqul aadanaha Puntland Mudane Maxamed Yuusuf Cali oo khudbad kasoo jeediyay munaasibadaasi ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga hortago dhibaato kasta oo xaqa qofka loo geysto, waxa kale uu shacabka ka codsaday inay kala shaqeeyaan xaquuqaha dastuuriga ah loo meelmarin lahaa.

Qorshe saddex sano ah ayuu sheegay inay diyaariyeen ku aadan in dadka ay bartaan xaquuqdooda iyo sidi wax looga qaban lahaa dhibta loo gaysto, carruurta, haweenka iyo dadka soo barakacay, Gudoomiye Maxamed Yuusuf Cali ayaa sheegay inay mar kasta ka go’an tahay sidii xaquuqda dadka looga shaqayn lahaa.

Halkudhega Sanadkan ee Maalinta Xuquuqda Aadanaha waa “Xuqquqdeena, Xoriyadeena”, wuxuu ina xasuusinaysa afarta xorriyaadood ugu muhiimsan Sharciga Caalamiga ah ee Xuquuqda oo kala aha: Xorriyadda hadalka , Xorriyadda cibaadada , Xoriyadda Baahida, iyo Xoriyadda cabsida. Xoriyadda cabsida ayaa ina xusuusinaya baahidda amni , xadgudubka sharciga iyo in ay dadku dareeman xuquuqdooda asaasiga ah.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha xaquuqul aadanaha Puntland ayaa sheegay inay muhiim tahay in shacabku u istaagaan is-badal muuqda si nolasha guul looga gaaro.

Maalinta caalamiga ah ee xaquuqul aadanaha ayaa sidoo kale laga xusay magalada Muqdisho iyo meelo kale oo caalamka ka mid ah.
1
DHAGAYSO Codka xaquuqul aadanaha
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe