Garowe(PP):Degmada Gobod Jiiraan ee gobolka Nugaal ayey dadka kunoo waxay ka cabanayaan biyo la’aan haysata kadib markii uu dumay ceel halkaasi ku yeelay oo in mudo ah ay ka cabayeend dadka godob jiiraan iyo deegaanada kale ee u dhow.
Ceelka oo la sheegay inay ka cabijireen 25,000 oo neef islamarkaana dadka dadka deegaanada udhow dagan looga dhaamin jiray booyado gaari jiray 21 booyadood ayaa la sheegay inuu duugoobay,isagoo shaqaynayey mudo lagu qiyaasay 35 sano.
Qaar kamid ah dadka degmada ayaa walaac ka muujiyey biyo la’aanta lasoo gudboonaatay waxayna ugu baaqeen dowladda in si deg deg ah wax looga qabto xaalada biyo la’aaneed ee haysata.
Gudoomiayah degamda godob jiiraan oo Puntlandpost uu la xiriiray ayaa isna sheegay inay jirto biyo la’aantu islamarkaana uu dumay ceel ay ka cabijreen dadka godob jiraan iyo deegaana ku xireen.
Ha’yadda Biyaha iyo Tamarta ee Basaweyn oo halkaasi tagtay ayaa khatar ka muujisay ceelka waxayna tilmaamtay inay muhiim tahay in helo ceelka kale.
Puntlandpost.com.
Xasan Baashe.