Muqdisho(PP): Ra’iiusl wasaaraha dowladda Fadaraalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iidaystaan khayraadka ku jira bada iyo bariga.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay shalay shir looga hadlayey Dhaqaalaha,wuxuuna sheegay inaysan jirin wax khatar ku ah inaan laga faa’iidaysan Khayraadka ku duugan dhulka Soomaaliyeed waxaa uun sheegay in Dhulka Soomaaliya uu ku jiro khayraad badan oo u baahan in lala soo baxo, is looga baxo faqriga iyo Soboolnimada.
Sharmaake ayaa xusay inuu qabo hadii dadka Soomaaliyeed ay fahmaan nimcada ay haystaan ay ka bixi karaan xaalada nolol xumo ee dalka ka jirta.
Maamul Goboleedyada dalka ka jira ayuu Ra’iisul wasaaraha ujeediyay iney sameystaan sharci haga oo suurta galin kara sida ugu haboon ee looga wada faa’ideysan karo kheyraadka kala duwan ee dalka,wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in arintaan loo diyaargaroobo.
Puntlandpost.com.
Xasan Baashe.