Taliyhii Booliiska Gobolka gal-gaduud oo la dilay

Cadaado(PP):Taliyihii booliiska Gobolka Galgaduud ee dowladda Fadaraalka Soomaaliya Faarax Warsame Cilmi ayaa shalay galab lagu dilay degmada Caabud waaq,waxaana dilay nin aan hayb tiisa lagaranayn.

Wararka ayaa sheegaya in ninkii dilka gaystay uu goobta ka baxsaday kadib markii ciidamdo goobta ka dhawaa rasaas ay ku fureen uuna ku dhintay goobta uu ku dilay Taliyaha.

 

Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Degmada Caabudwaaq ayaa sheegay inaysan hayn ilaa hada macluumaad ku saabsan sababta ka dambeysay in ninkaasi uu toogto Taliyaha,maadaama uu dhintay ninkii dilka gaystay,waxayse tilmaameen inay samaynayaan baaritaano ku aadan falkaas.
Dilka Taliyaha Caabudwaaq ayaa kusoo aaday xili magaalada bosaso isla shalay lagu dilay Taliyihii Ciidamda ilaalada Garoonka bosaso.
Puntlandpost.com.