Maraykanka oo sheegay inay duqaymo ka gaysteen Soomaaliya

Nairobi(PP):Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay duqaymo ku dishay rag ka tirsana Alshabaab kadib markii ay duqaymo ka gaysteen koonfurta Soomaaliya.

Maraykanku waxaa uu sheegay in todobaadkii lasoo dhaafat duqayn uu ka gaystay Koonfurta Soomaaliya uu ku dilay rag ka tirsana Alshabaab waxayna uuna tilmaamay ij lix magaalo laga fuliyey duqaymaha.

Ahayeen u hadlay xarunta wasaarada difaaca ee dalka Mareykanka  oo lagu magacaabo Jeff Davis ayaa sheegay in duqayn lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Alshabaab oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sandheere ama Cukaash.

Sidoo kale  waxa uu sheegay in Mareyanka ay xaqiijinayaan in duqeyn dhacday bishii November 13-keedii lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Daacish oo lagu magacaabay Abuu Nabil.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Maraykanku uu sii labo jibaari doono weerarad ka dhanka ah Alshabaab iyo daacih.

Puntlandpost.com