Taliyihii Garoonka Bosaso oo la dilay

Bosaso(PP):Taliyihii Ciidanka Garoonka diyaaradaha magalada Bosaso Xasan Shire Amaan ayaa lagu dilay maanta magalada Bosaso.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya dilka taliye Amaan inuu geystay mid ka mid ah ilaaladiisa lamana ogo ilaa iyo hadda sababta dhalisey.

Dilka taliyahaan ayaa si weyn looga dareemay magalada Bosaso, wuxuna xilkan Xassan Shire soo hayay mudo dheer isagoona u magacaabay madaxwaynihii hore Gen.Cadde Muuse.

Wixii kuso kordha kala soco Puntlandpost.com