Madaxwaynaha Puntland oo saaka lagu caasumay xaafada Baraxley ee Galmudug

Gaalkacyo(pp) Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe,Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo masuuliyiin kale oo dhanka waqooyi ku sugnaa ayaa maanta lagu marti qaaday xaafada Baraxley ee Gal-Mudug.

Madaxwaynaha Gal-Mudug oo kaashanaya culimadda iyo aqoon yahanka ayaa marti qaadkan u fidiyay masuuliyiintan halkaasoo lagu wado in laga wada hadlo.

Wararka la helayo ayaa sheegaya wafdiga Gal-Mudug inay dhankda waqooyi imaan doonaan halkaasoo caasumaad loogu samaynayo waxaana halkaa laga sii anbo qaadayaa dadaaladda nabadda ee Gaalkacyo.

Shacabka Gaalkacyo ayaa soo dhaweeyay ciidamada kala qaadayo taasoo wax badan ka badalaysa ammaanka magalada waxana lagu wada in dib magalada loogu soo celiyo qoysaskii ka barakacay.