Garowe(pp) Wasaradda Haweenka iyo horumarinta qoyska dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah kulan hal maalin soconaya waxay ku qabatay hoolkeeda shirarka, iyadoona kulankaasi diiradda lagu saaray sida la isku waafajin karo siyaasadaha dowladda iyo siyaasada jinsiga.
Waxaa kasoo qayb galay kulankan masuuliyiin ka socda qaar ka mid ah wasaradaha dowladda,xubno ka socda maxkamadda iyo saraakiisha ciidanka.
Agaasimaha guud ee wasaradda Haweenka Puntland Mudane Cabdirisaaq Nuux Maxamed ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulankan oo looga wada hadlayo sidii xiriir wanaagsan uga dhaxayn lahaa Siyaasadda Jinsiga wasaradaha iyo shaqooyinka kale, waxa uu sheegay inay muhiim tahay fursadaha shaqo inay u wada siman yihiin rag iyo dumar taasoo aan lagu sooceyn ragg ahaan balse lagu xulanayo kartida iyo aqoonta.
Maxamed Cali oo ah Agaasimaha Jinsiga iyo xaquuqul insiinka wasaradda Haweenka ayaa sheegay inay muhiim tahay in wasaradaha dowladda ilaaliyeen xaquuqda shaqada iyo siyaasada Jinsiga ayna rajo ka qabaan talo wanaagsan inuu kasoo baxo kulankan maanta qabsoomay.











