Garowe(pp) Wasiirkii hore ee deegaanka Puntland,hadana ah agaasimaha Machadka cilmi baarista ee SIDRA Mudane Guuleed Saalax Barre ayaa ka hadlay heshiiskii shalay Puntland iyo Gal-Mudug ku wada gaareen magalada Gaalkacyo.
Guuleed oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal kooban ayaa sheegay inay nasiib daro tahay inaan waxba la iska waydiin masuuliyadda wixii Gaalkacyo ka dhacay cida masuulka ka ah.
”Waa wax fiican inta hartay in la bad baadiyo,waxaase nasiib darro ah inaan waxba la iska waydin masuuliyadda ciddii dhibta gaysatay, intee sii socon doontaa inm dadka lalaayo, la barakaciyo hadhowna qosol iyo sacabba tun lagu soo gunmaanado,dhiiga ummadda Soomaaliyeed imisuu sidaas raqiis usii ahaandoonaa?, Guuleed ayaa yire,
Barre ayaa sheegay masuuliyadda wixii dhib Gaalkacyo ka dhacay in lagula xisaabtamaa,cadaaladana la hor keeno cidii yeelata.
Dhinaca kale wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay inay muhiim tahay wada hadalada nabadda in laga qayb galiyo siyaasiyiinta iyo aqoon yahanka, maadama laga hadlayo danta guud ee shacabka.
Heshiska Puntland iyo Gal-Mudug oo afar qodob ka kooban ayaa lagu rajo weyn yahay inuu wax badan ka badalo xaalada kacsan ee Gaalkacyo, waxaase wararka maanta oo Khamiis ah laga helayo Gaalkacyo sheegayaan in ciidan Galmudug ka tirsani weerar soo qaadeen.
Puntlandpost.com