Wararkii ugu danbeeyay ee shirarka magalada Gaalkayco

Gaalkacyo(pp) Wararka laga helayo magalo madaxda Gobalka Mudug ee Gaalkacyo ayaa sheegaya in weli ay socdaan shirar nabad iyo heshiisiin lagu dhex dhigayo mamuladda Puntland iyo Gal-Mudug oo dagaali ku dhexmaray magalada.

Wakiilo ka socda beesha caalamkka ayaa ku sugan magalada kuwaasoo u kala dab-qaadaya labada dhinac, sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa labada mamul ku qanciyay inay ogolaadaan in heshiis qodobeysan laga gaaro xiisada Gaalkacyo oo saamayn ku yeelatay Hiigsiga 2016 ee Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid labada mamul ku qanciyay inay ku heshiiyaan in ciidamada la kala qado, xabadda la joojiyo, iyo shacabkii magalada ka barakacay dib loosoo celiyo maadama qaarkood ay ku dayacan yihiin banaanka magalada iyo tuulooyinka u dhow.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in labada dhinac heshiis gaari doonaan wixii ka dhacayna magalada la dhamayn doono.

Marka laga soo tago heshiiska iyo dadaalada Gaalkacyo ka socda Puntland weli waxay u aragtaa in maleeshiyo Gal-Mudug kasoo jeeda ay si gardaro ah weerar ugu soo qaaden waddo xaafada Garsoor laga dhisayay ka dibna dad rayid ah ay hoobiyaal la dhaceen, madaxwayne Gaas ayaa dhowr jeer sheegay inaysan gorgor ka gali doonin taago ka mid ah dhul ay Puntland xukunto, wuxuna dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inaysan dhex dhaxaad ka ahayn waxa Gaalkacyo ka socda.

Dadka sida dhow ula socda xaalada Gobalka Mudug ayaa sheegaya inay macquul tahay haddii dirirta labada maamul sii socota magalada la keeni karo ciidamo shisheeye (AMISOM).

Ugu danbeyntii wararka la helayo ayaa tilmaamaya maanta haddii ay dhammaadaan shirarka madaxda DFS iyo beesha caalamka gaar gaarka u samaynayaan in la is hor keeno madaxda mamulada Puntland iyo Gal-mudug halkaasna uu ka bilowdo wada hadal toos ah.

Puntlandpost.com
Gaalkacyo/Puntland