Heshiiska Puntland & Gal-Mudug oo goor dhow ka bilaamanaya Airport-ka Gaalkacyo

Gaalkacyo(pp) Wararka u hadda helayo ayaa sheegaya in Garoonka diyaaradaha magalada Gaalkacyo uu ku sugan yahay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke, sidoo kale waxaa hadda kusii qul-qulaya madaxda mamuladda Puntland iyo Jubbaland.

Wariye ku sugan garoonka Cabdilaahi Yuusuf ayaa sheegay in goor dhow lagu wadi inay yimaadaan goobta shirka madaxwayne Cabdiweli Cali Gaas iyo madaxwayne Cabdikariin Xuseen Guuleed, kuwaasoo saxiixaya heshiiska la wada gaaray ee garwadeenka ka yahay wasiirka koowaad ee dalka.

Qodobadda lagu heshiiyay ee saxiixoodu dhiman yahay ayaa kala ah in labada dhinac ciidanka is-hor fadhiya kala qaadaan, in xabada joojinta la dhaqan galiyo, in qoysaska magalada ka barakacay dib loogu soo celiyo xaafadahoodii iyo wada hadal dhab ah uu yimaado, qodobaasi ayaa ah kuwii uu Ra’iisul Wasaare Sharmarke labada madaxwayne hor dhigay.

Heshiiskan waxaa goobjoog ka noqonaya wafuuda heerka caalami ee magalada soo gaaray shalay, waxana lagu wadaa halkaasi in warbaahinta lagula hadlo lana jeediyo aragtida heshiiska labada dhinac wada gaareen.

Dhinaca ciidanka Gal-mudug ayaa Askari ka mid ah ciidanka Puntland ku dilay magalada Gaalkacyo, dilka askarigaasi ayaa sababay in ciidamada Puntland ay labo askari ka dilaan Galmudug mana jirto faah faahin kale oo kasoo baxaysa dagaalkaasi saaka bilowda.

Puntlandpost.com