Somaliland: “Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga way u fasaxan yihiin Saldhigga Berbera”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo la hadlay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in Dowladda Imaaraadka carabta ay u fasaxan tahay saldhigga magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, islamarkaana ay u adeegsan karto ujeed kasta, sida tababarka Ciidamada, Howlgalada Malatari iyo duqeymaha laga fuliyo dalka Yemen.

Dr Sacad Cali Shire Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland ayaa difaacay heshiiska Dekadda iyo saldhiga Magaalada Berbera ee gobolka  Saaxil kaasi oo la ansixiyay bishii Febraayo ee sanadkaan 2017-ka.

Magaalada Berbera ayaa u jirta  250 kiiloomitir koonfurta dalka Yemen,  halkaas uu ka socda dagaal u dhaxeeya isbahaysi military ee  Saudi hogaamiyo kaasi oo loogu soo horjeedo dagaalyahanada mucaaradka Xuuthiyiinta.

Dhanka kale Maraakiib laga leeyahay dalka imaaraadka carabta ayaa la sheegay in ay kusoo xirteen Dekadda magaalada Berbera islamarkaana Dekadda lagu wado dib u habeyn sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post