Bishii Ramadaan oo laga arkay Qaar kamid ah gobolada Dalka Soomaaliya

Waxaa caawa lagu arkay Magaalooyinka badan oo ku yaala Gobolada dalka Soomaliya bisha Ramadaan,islamarkaana waxaa la isku raacay in maalinta bari ay tahay maalinta kowaad ee bisha Ramadaan.

Magaalooyinka Gaalkacyo,Garoowe,Baardheere,Marka iyo Magaalooyin kale ayaa lagu arkay bisha, islamarkaana shacabka halkaas ku sugan aynu la xiriirnay waxay inoo xaqiijiyeen in bisha la arkay islamarkaana bari ay tahay maalinta kowaad ee bisha ramadaan.

Wasaarada Oowqaafta Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqday in bari ay tahay maalinta 1-aad ee Bisha Ramadaan .

Faah faahin Dheeri Ah dib kala soco Insha allah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho