Ra’iisul wasaare Kheyre oo Safarkiisii ugu horeeyay ugu ambabaxaya dalka dibadiisa

Sida ay xaqjiiyeen ilo lagu kalsoonan karo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa safarkiisa ugu horeeyay ugu ambabaxaya dalka dibadiisa tan iyo markii uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.

Ra’iisul wasaraha Xukuumadda Soomaaliya Kheyre ayaa u safraya Dalka Qadar, waxaana lagu casuumay Madasha Doxa Forum oo ay ka qeyb galayaan Hey’ado caalami ah, siyaasiyiin iyo Hey’adaha deeq bixiyeyaasha.

Safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay in uu dhici doono 13-ka bishan oo ku beegan maanto oo Sabti  ah islamrkaana uu noqon doono kiisii ugu horeeyay ee dalka kaga ambabaxo tan iyo markii la magacaabay Bishii February dhamaadkeeda.

Madasha Doxa Forum  ayaa socon doonta 14-15 May ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha horumarinta, degenaanshaha iyo qalalaasaha qaxootiga, waxana furi doono Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Mohammed Bin Abdulrahman Al-Thani ayaa shirka si rasmi u furi doona, sida ku cad jadwalka shirka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho