Aabe iyo Gabadhiisa oo lagu Dilay NO 50

Meydka Gabar iyo aabaheed ayaa maanta laga helay Duleedka NO-50  kuwaasi oo Xalay laga afduubtay Duleedka Deegaanka Lambar Konton waxaan labada Ruux a oo  ahaa Qoys Xoola Dhaqato ah ayaa  la Sheegay in Koox Hubaysan ay Gurigi gooda ugu soo dhaceen.

rag ka tirsan Dagaalyahanada al-shabaay ayaa xalay Saqdii dhexe deegaanka No-50 ka Afduubtay Gabar iyo aabaheed waxaan ayna Daqiiqado ka dib ay dileen ninkaan oo ahaa Macalin Dugsi Qur’aan halka Goobta ay  ka Xaysteen Gabar Dhalinyaro ah oo uu Dhalay Macalinka Sida Warbaahinta  uu u Xaqiijiyey Maxamed Ciise Maxamed oo ka Tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowlada soomaaliya.

Meydka Labadan Ruux ayaa maanta lagu aasay Deegaanka NO-50 ee Gobalka Shabeelaha Hoose waxaana Dhacadadaan ay Argagax ku Abuurtay Dadka Xoola Dhaqatada ah ee Deegaankaasi .

PUNTLAND POST