Wararka haatan naga soo gaaraya wadada Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in Qarax gaari loo adeegsaday in uu goordhaweyd ka dhacay maqaayad halkaas ku taala.
Qarax gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyay maqaayad lagu magacaabo Italian Caffe oo ku dhegan gurigii hore ee shaqaalaha oo ku dhow Ha’yada socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya.
Qasaaraha ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga maadaama qaraxa uu goordhow dhacay hayeeshee waxaa jira qasaara soo gaaray dad rayid ah oo goobtaasi fadhiyay.
Faah faahinta dib ugala soco Puntland Post Insha allah.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho