Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Degmada Afgooye

Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/lahi Maxamed(Farmaajo) ayaa ku wajahan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Afgooye oo goordhweyd la hadlay PUNTLAND POST ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo uu ku wajahan Degmada islamarkaana ay isku diyaariyeen soo dhaweynta Madaxweynaha.

Ilaa haatan si dhab ah looma ogo sababta ka dambeysa socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/lahi Maxamed(Farmaajo), uu ku tagayo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose oo kamid ah degmooyinka aysan gacanta sida buuxda ugu haynin Dowladda Federaalka Soomaliya.