Madaxweyne Farmaajo oo kormaaray goobaha lagu keydiyo raashinka CXD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray goobaha lagu keydiyo raashinka ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa kormeer ku sameeyey baqaarada lagu keydiyo raashinka ciidamada dowladda, isagoo dhinaca kalena hubiyey tayada raashinkaasi.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha JFS ayaa sidoo kale hubinayey in ciidamada dowladda ay helaan ama lasiiyo raashinka ay xaqa u leeyihiin.

Hoos ka Daawo Sawirada.

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho