Donald Trump:-“Mareynka Jawaab ayuu ka bixin doonaa Askarigii Loogu dilay Soomaliya”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa sheegay in askari Amarican ah oo kamid ahaa Ciidamada Mareynka ee Soomaliya ka howlgala lagu dilay weerar lagu qaaday Saldhig Al-shabab ay ku leeyihiin deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose ee Koonfurta dalka Soomaliya.

Madaxweyne  Donald Trump, ayaa sheegay in askariga ka tirsanaa Ciidamada Mareykanka uu dhintay xili uu dagaal kala horjeeday dagaalyahanada Al-shabaab ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose, waxa uuna hadalkiisa ku daray in Mareykanka uu sii kordhin doono beegsiga Al-shabaab.

“Askari ka tirsanaa Ciidamadeena ayaa ku dhintay weerar Qorshaysan oo lagu qaaday goobo ay ku sugnaayeen Ciidamada Al-shabaab, runtii aad ayaan kaga xunahay dhimashadiisa, Mareykanka wuxuu sii xoojin doonaa dagaalka lagula jiro Al-shabaab”, ayuu yiri Madaxweyne Donald Trump.

Dagaalkii ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa loogu magac daray Black Howk Down 2.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post