Madaxweynaha Maamulka lamagacbaxay Gobolada Dhexe ee Ahlusunno Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ka soo horjeeystay Doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Cadaado ee loogu doortay madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Geelle Xaaf.
Sh.Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in ay Axmed Ducaale Xaaf ay u yaqaanaan nin Ganacsade ah .
Waxa uu sheegay in Shacabka Gobolada Dhexe ay u baahanyihiin Midnimo iyo hormar .
“Ducaale aniga waxaan ku ogaa Ganacsade intaasi wax kabadan oo aan ku ogahay Ma ay jiraan , anagu waxaan ka leenahay Gobolada Dhexe waxa ay u baahanyihiin Midnimo , waxa ay u baahanyihiin hormar, Waxa ay u baahanyihiin walaaltinimo, Waxa ay u baahanyihiin Midnimo Buuxda.” Ayuu Sh.Shaakir
Shalay waxaa magaalada Cadaado lagu doortay madaxweynaha Gal-Mudug Labada sano ee soo socoto Waxaana loo doortay Axmed Gelle Xaaf.
Hoos ka dhageyso Codka.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho