Hanti dhowraha Dowlada Soomaaliya oo qirtay in Askari ilaalo u ahaa uu dilay Wasiirkii Howlaha Guud

Hantid dhowraha Dowlada Soomaaliya Dr Nuur Jimcaale ayaa ka hadlay dhacdadii Xalay Askari ilaalo u ahaa isaga uu dilay  Allah ha u Naxariistee Wasiirkii Hawlaha guud ee Dowlada Soomaaliya Cabaas Siraaje.

Hanti dhowraha ayaa sheegay in kala shaki uu soo kala dhexgalay Ciidamada sidaasina ay sababtay in askariga uu rasaasta ugu furo gaariga wasiirka.

Waxa uu sheegay in ay hadda socdaan baaritaano ay wadaan islamarkaasina warbaahinta ay dib uga soo sheegi doonaan dhacdadaasi iyada oo faah faahsan.

Allaha u naxariiste waxaa xalay askari katirsan ciidamada Dowlada Soomaaliya uu ku toogtay meel aan ka fogeeyn madaxtooyada wasiirkii howlaha guud ee xukumada Soomaaliya Allaha u raxmadee wasiir Cabaas Siraaji.

Hoos ka dhageeyso Codka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho