Akhriso: Taariikhda Wasiirkii Howlaha Guud ee Caawa lagu dilay Muqdisho

Xil. Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji: Wasiirka Howlaha Guud & Dib-u- Dhiska: Waxa uu dhashay 1986-dii, in ka badan 20 sano waxaa uu ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Dalka Kenya, Xerada IFO ayuu uga baxay dugsi sare, shahaadada koowaad waxaa uu diyaariyay Cilmiga Computer-ka, Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya.

Marxuumka, waxa uu ka mid noqday xildhibaannadii lagu soo doortay Magaalada Kismaayo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa 21 Maarso ee Sanadkaan u magacaabay wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska.

Allaha u naxariistee Wasiir Cabaas ayaa ahaa Mas’uulkii ugu Da’da yaraa ee Golaha Wasiirada Soomaaliya.

ugu Dambeyn Marxuum Cabaas Cabduullahi Sheekh Siraaji ayaa Caawa Fiidkii lagu toogtay Banaanka Hore ee Albaabka Laga Soo Galo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Saraakiisha Laamaha Ammaanka ayaa Xaqiijiyay in la gacanta lagu Haayo Labadii nin ee toogtay Wasiirka, iminkana Meydka Marxuumka uu yaallo Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay socoto baaris la xiriirta sida uu falkaasi u dhacay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho