Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Doorashada Galmudug

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug ayaa beeniyay wararka ku aadna in Dowladda Federaaka Soomaaliya shaqsi ay wadato loo dooranayo madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug.

“Doorashada Galmudug ka dhacaysa waa Doorasho ay leedahay Galmudug, ujeedka aan u joogno cadaado waxa uu yahay  in aan aragno sida ay u dhacayso doorashada madaxweynaha Galmudug, doorashada Madaxweynaha Galmudug waa mid u taalo reer galmudug, dowladda ay hogaamiyaan Farmaajo iyo kheyre ma jiraan shaqsiyaad ay wataan oo loo dooranayo Madaxweynaha Galmudug, reer Galmudug adinkaa leh doorashada”, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa la isla dhexmarayay shaqsi ay wadato Dowladda federaalka Soomaliya in loo dooranayo madaxweynaha Cusub ee Dowladd Goboleedka Galmudug, islamarkaana meesha laga saarayo rabitaanka shacabka reer Galmudug.

Hoos ka dhageyso Codka 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho