Shir hordhac u ah Shirka London oo Muqdisho ka furmaya Maanta

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka dhacay shir balaaran oo hordhac u ah shirka ka dhacaya London 11-ka Bishaan May.

Shirkaan oo ah Mid ay ka qeeybgalayaan madaxda ugu sareeyso dalka iyo xubno sar sare oo ka socdo beesha caalamka ayaa ka dhacaya xarunta Xalane ee Muqdisho.

Ujeedka Shirkaan ayaa ah diyaarinta heshiisyada caalamiga ah iyo in laga wada hadlo si hordhac ah shirka London waxyaabaha looga hadlayo.

Waxaa sidoo kale shirkaan ka qeeybgalaya madax sar sare oo ka socoto Beesha Caalamka gaar ahaan dowlada Ingiriiska oo shirkaasi marti galineeyso.

Sabtidii la soo dhaafay waxaa Muqdisho ka dhacay kulan ay wada yeesheen Qaramada Midoobay iyo Dowlada Soomaaliya oo looga hadlayay shirka London hayeeshee shirkaan ayaa ah mid ka xajmi weeyn shirkaasi.

Xasan Maxamad Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho