Ra’iisul wasaare ku Xigeenka Dalka Jarmalka oo soo gaaray Muqdisho

Ra’isilwasaare xigeenka Ahna wasiirka arimaha Dibada ee dalka Jarmalka sigmar gabriel ayaa Goordhow soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdiga sigmar gabriel Ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’isilwasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre.

Socdaalkaan uu Ra’isilwasaare xigeenka Ahna wasiirka Arimaha dibada ee Dalka Jarmalka uu ku soo gaaray Muqdisho ayaa waxa uu yahay mid aan horay loo sii shaacin.

sigmar gabriel Ayaa kulamo gaar ah la qaadan doono madaxda dowlada federaalka Soomaaliya waxaana uu kala hadli doonaa arimaha xiriirka Soomaaliya iyo Jarmalka iyo Caawinaad dowladiisu ay siiso Soomaa;iya.

Magaalada Muqdisho waxaa si isdaba joog ah u imaanayay masuuliyiin ka socoto dalalka caalamka .

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post MuqdishoÂ