Shil Gaari oo khasaare geystay oo ka dhacay Kontoroolka Garoowe

Wararka saaka naga soo gaaraya Kontoroolka Bari ee magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa waxa ay ku waramayaan halkaasi uu goordhow ka dhacay shil gaari oo khasaare geeystay.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii laba gaari ay isku dhaceen gaari booyad ahaa iyo gaari nooca loo yaqaano Dhaynaha.

4 Qof ayaa ku dhimatay shilkaasi gaari waxaana ku dhaawacmay 7 qof oo kale sida ay xaqiijiyeen Goobjoogayaal.

Dadka dhaawaca ah ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Garoowe halkaasi oo hadda lagu dabiibayo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post