Musharixiinta Madaxweynaha Galmudug oo Maanta khodbadahooda Jeedinaya

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta lagu wado in khudbadahooda ay jeediyaan musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Musharixiinta qudbadahooda jeedinaya ayaa waxa ay kala yihiin:-

Mudane Prof C/qaadir Shirwac

Mudane Xaaf Ducaale Geelle

Mudane Axmed Shariif Cali Hilowle.

Maalinta Arbacada ah oo taariiqdu ay ku beegantahay 3 May ayaa lagu wadaa in magaalada Cadaado ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Gal-Mudug .

Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna ayaa sheegay in aanay aqoonsan doonin doorashada ka dhaceeysa Cadaado.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho