Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tagaya Dalka Itoobiya.
Sida ay daabacday wakaalada wararka ee Dalka Turkiga Anadol Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maalinta Arbacada ah u safraya Magaalada Adis Ababa Ee xarunta dalka Itoobiya.
Wakaalada ayaa soo xigatay sarkaal sare oo katirsan dowlada Itoobiya oo diiday magaciisa in ay soo xigato wakaalada.
Madaxweynaha ayaa la kulmi doono Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Hailemariam Desalegn waxaana uu kala hadli doonaa arimaha amniga xiriirka labada dal iyo arimaha AMISOM.
Safarkaasi madaxweyne Farmaajo ayaa qaadan doono sida uu qorshuhu yahay muddo labo cisho ah si kulumo balaaran uu u la yeeshay madaxda dalka Itoobiya.
Safarkaan ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee Madaxweyne Farmaajo uu ku tago Dalka Itoobiya waxaana uu noqonayaa kii Lixaad uu dalka uga baxo.
Madaxtooyada Soomaaliya kama aanay hadlin wali jiritaanka Safarka Madaxweynaha ee uu ku tagayo Dalka Itoobiya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho