Madaxweynaha Jubbaland oo Tababar Ciidamo ugu Soo Xiray Kismaayo

Iyadoo ay qayb ka tahay dadaalka ay Dowlada Jubbaland ugu jirto xoraynta Dalka ayuu Maanta mar kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam tababar usoo xiray Ciidamo katirsan kuwa Darawiishta oo Tababar kala duwan indhawaale ku qaadanayay Magaalada kismaayo.

Ciidamadan oo ka kooban qaybo kala duwan ayaa waxaa kamid ah Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska, Ciidamada Lugta, iyo kuwa gadiidka.

Ciidamada Kumaandooska ayaa goobta kusoo bandhigay xirfadooda is difaacista shaqsiga ah iyadoo Ciidamada kalana ay geedo ka ciyaar iyo xubka culus munaasabada kusoo bandhigeen.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Ciidankan iyo kuwa Qaranka oo isku dhaf ah ay maanta laga bilaabo diyaar u yihiin xoraynta deeganada maqan ee Jubbaland wuxuuna sheegay in aysan jirin awood hor istaagi karta maadama awooda Al-Shabaab ay aad u wiiqantay.

Ciidamada ayuu Madaxweynahu ku amaanay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay naftooda u huraan Qaranooda iyo dadkooda iyagoo ka hor leexinaya Argagixiso caalami ah oo xalaashatay dhiiga dadka Islaamka ah.

Bulshada ku nool deeganada ay ku sugan yihiin Kooxaha nabad diidka ah ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan wiilashooda diyaarka u ah in ay cadawga ka kor qaadan.

Displaying S09A0001.JPGDisplaying S09A0002.JPGDisplaying S09A0008.JPGDisplaying S09A0010.JPGDisplaying S09A0012.JPGDisplaying S09A0053.JPGDisplaying S09A0054.JPGDisplaying S09A0055.JPGDisplaying S09A0066.JPGDisplaying S09A0078.JPGDisplaying S09A0097.JPGDisplaying S09A0112.JPGDisplaying S09A0170.JPGDisplaying S09A0178.JPGDisplaying S09A0204.JPGDisplaying S09A9966.JPGDisplaying S09A9967.JPGDisplaying S09A9979.JPGDisplaying S09A9984.JPGDisplaying S09A9985.JPGDisplaying S09A9986.JPGDisplaying S09A9987.JPG

Faafintii Puntland Post