Madaxweyne Farmaajo oo la Kulmay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib ordogan.

Wararka Naga Soo gaaraya Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay kulan ku wada yeesheen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga.

Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Receb Dayib Erdugan Madaxweynaha Dalka Turkiga ayaa kulankooda waxaa ay uga wada hadleen arimo la xariira iskaashiga u dhaxeeya Labada Dowladood.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ay ku darayaan in Madaxweyne Ordogan uu balan qaad u sameeyay in Dowlada Turkiga ay caawindoonto dadka ay abaaruhu ku saameeyeen Soomaaliya.

Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Safarkiisii 5-aad ee uu dalka uga baxo waxa uu ku joogaa Dalka Turkiga.

Hoos ka Daawo Sawirada.

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho