Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo Kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyaa ayaa dhaliilay shirka London iyo isku Dhafka Ciidamada qalabka sida qaabka la isugu dhafayo.
Fiqi ayaa sheegay in Dalalka shisheeye ay doonayaan in markale ay gumeeysi galiyaan dalka Soomaaliya isaga oo sheegay in kala qeeybsanaan ay galinayaan.
Waxa uu ka digay qaabka iska dhufka ciidamada soomaaliya isaga oo sheegay in qaabkaasi uu yahay qaab aan waafaqsaneeyn Shuruucda dalka u yaala .
Dhowaan ayaa Madaxda Dowlada Soomaaliya lagu wadaa in Magaalada London ee xarunta Dalka Ingiriiska ay kaga qeeybgalaan shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya.
Hoos ka dhageyso Codka.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho