Wariye Qarax gaarigiisa loogu riray Muqdisho

Wariye Faysal Cumar Xaashi oo ah Sawir qaade katirsan Wakaalada Wararka Reuters ayaa xalay ka bad baaday qarax gaarigiisa loogu xiray.

Wariyaha ayaa gaari uu watay qarax lagula eegtay isaga oo maraya Isgooyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Nasiib Wanaag wariye Faysal Cumar ayaa ka bad baaday qaraxaasi isaga oo aan waxba ku Noqon.

Qaraxa ayaa dhacay xili uu ka dagay wariyaha Gaarigiisa islamarkaasina uu Galay Goob Farmashiye aheyd si uu Kaniini ugu gato hayeeshee markii uu ka dagay uu qarxay gaarigiisa.

Dhowaan ayeey aheyd markii Filim qaade katirsan Tv-ga Universal qarax gaarigiisa loogu xiray dhaawac ka soo gaaray loogu dabiibayo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho