Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle oo wareysi siinayay Wargeyska Tesfa News ayaa ka hadlay Dekadda Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil oo ay la wareegtay Dowladda Imaaraadka Carabta.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmamaay In dowladda Imaraadka carabta ay dagaalka Xagga Ganacsiga ah ay kula jirto Dowladda Jabuuti islamarkaana Dekadda ay la wareegtay ee Magaalada Berbera aan suuq loo haynin, islamarkaana aysan la tartami Karin Dekadaha ku yaala Magaalada Djabuuti ee Caasimada dalka Jabuuti.
Sidoo kale Madaxweynaha dalka Jabuuti ismaaciil Cumar Gelle ayaa tilmaamay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay doonayso in ay gacanta ku dhigto Dekadaha Gobolka ku yaala, madaama ay haatan gacanta ku haysto Dekadaha dalalka Eretria iyo Maamulka Somali-land islamarkaana ay doonayso in ay la wareeto Dekadda magaalada Cadan ee Dalka Yemen.
Halkan ku Dhufo oo Aqriso Wareeysiga Gelle
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Wararka Puntland Post