Shirka Madaxda dowlada iyo Maamul Goboleedyada oo Muqdisho ka Furmaya

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmaya Shirkii ugu horeeyay ay wada yeeshaan madaxda Dowladda Cusub ee Soomaliya iyo kuwa Dowladd goboleedyadda dalka ka jira.

Shirkaan Waxaa ka qeeybgalaya Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi (Farmaajo), iyo Madaxweynayaasha Maamulkada Puntland,Koonfur Galbeed Soomaliya ,Jubba-land, Hir-shabeelle, iyo ku-simaha Madaxweynaha Maamulka Galmudug State.

Shirkaan oo ah mid heerkiisu sareeyo ayaa lagaga arrinsandoonaa afar qodob oo kala ah, siyaasada dowladda cusub ee Farmaajo, ammaanka iyo abaarah, iyo Shirka Magaalada london.

Madaxweynaha Soomaliya Maxmed C/lahi Maxamed (Farmaajo) ayaa kulamo gaar gaar ah shirka kahor la qaatay madaxweynayaasha mamul goboleedyadda dalka Sidoo kale wakiilada beesha caalamka ayaa iyaguna la kulmay madaxweyne-yaasha.

Wuxuu shirkaan ka dhicidoonaan xarunta xalane ee Midowga Afrika.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho